Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintaay magalaada Addis Ababa, kadib markii ay ciidamada amaanka Rasaas ku fureen dad shacab ah siida ay sheegan idacaada BBC ee laanta Axmaraada.

Labada ruux la dilay oo kala ah Abel Dirbush iyo Michias Demis ayaa la sheegay inay jireen 21 sano, waxaana la sheegay inuu muran dhex maray ayaga iyo ciidamada inta ka hor oo dilalka dhicin siida ay wararka u dhigeen idacaada BBC ee laanta Axmaarada.

Weli lama sheegan wixi sababay muraanka dhex maray labada dhinac, siido kale weli ma jirto wax hadal kasoo baxay hayaadaha amaanka ku aadan dilaalka ay ciidamada amaanka ka geysteen Addis Ababa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.