Xero ciidan ay ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM ku leyihiin degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu weeraray sida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo lagu kalsoon yahay
Xerada oo ku taalo degaanka Ceelasha Biyaha ayna ku sugan yihiin ciidamada Burundi oo kamida ciidamada AMISOM ayaa dhowr jiho laga soo weeraray, iyadoo ay dadka degaanka maqlayeen madafic culus Iyo rasaas xoogan oo dhaceysa.
Weli maa cada khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha. Sido kale sarakiisha AMISOM weli kama aysan hadlin dagaalka.
Waa markii labad asbuc gudahisa la weeraro xerada ay ciidamada Amisom ku leyihiin degaanka Ceelasha Biyaha.
Halgan Media.