Xogo hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in ciidamada Danab oo uu Mareykan-ka tababaro ay tacadiyo ka geysteen degmada Wanlawayn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ilo deeganka ah ayaa xaqiijiyay taarikhda marka ay ahayd 10kii August in ciidamada Danab ee sida gaarka ah utababaran kusoo daateen deeganka Wanlawayn salaadii duhur kadib, ayna qafaashen qof shacab ah oo aana waxba galabsan.

Sida aan xogta kuhelnay qofka ay qafaashen ciidamada Danab waxa lagu magacabayay Axmed Sheekh Maxamuud xili uu kusugnaa ceel biyood halkaa kuyaala kadibna ay halkaa ka kaxeysteen.

Malin kadib abaarihii 04:00pm galabnimo ciidamada Danab oo laxiriiray maamulka deeganka Wanlaweyn waxa ay usheegen in ay dileen Allaha unaxaristee marxuum Axmed Sheekh Maxamuud kadibna ay iyagu duugeen Sida ay Halgan media uxaqiijiyen ilo katirsan maamulka degmada Wanlaweyn.

Ilaa hada lama ogo sababta keentay in ay dilaan marxuumka kadibna ay iyagu dugaan. Qaar kamida dadka deeganka oo aanu kula hadalnay khadka telefonka waxa ay ino shegeen in marxuumka wax lug ah kulaheen ururka hubeysan ee Alshabaab, balse uu maamule kayahay xawaalada loo yaqaano Iftin Express.

Ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykan-ka ayaa dilal ugeysta shacab aana waxba galabsan marka ay fulinayaan howlgalada.

Sanadihii udambeeyay waxa aad usoo kordhayay tacadiyada ay ciidamada Danab ka geystaan Shabeeloyinka,mana jirto ilaa hada masuuliyin kahadashay dhibka ay geystaan ciidamadas.

Hoos waxad ka arki kartaa marxuumka sawirkiisa ay dileen ciidamada Danab.

Halgan Media.

Email : info@halganmedia.net