Wararka aan ka heleynoKoonfurta Soomaaliya gar ahan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu dagaal xoogan dhexmaray ciidamada Dowlada iyo Maleeyshiyaadka Al Shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dowladda Qarax lagula eegtay xili ay marayeen wadada isku xidho deegaanka Qalimoow iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxana la sheegay Qaraxa kadib, ciidamada Dowlada weerar toos ah ayaa lagu qaaday, hadana inkastoo la sheegay inay iska caabiyeen argagxiisada soo weeraray, waxaa la sheegay ugu yaraan sedax Askari ayaa lagu dilay dagaalka.
Dagaalka kadib Saraakiisha dowlada waxa ay ku hanajabeen in gabi ahaanba ay la wareegi doonaan gobalkaasi (Sh/Dhexe) laakiin weli ma jiro talaaba qaad arintaasi ku aadan.
Halgan Media