Kulu Caam Wa Antum Bi Kheyr 

Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha Halgan Media.

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1441 (2020) u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay ciid mubarak.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalidana Allah niyadooda isuwanaajiyo. Dalka Soomaaliya iyo Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda Halgan Media si gaara ugu mahadcelinaynaa dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

W/Q : Maxamed Abdulkaadir

Agaasimaha Guud ee Halgan Media.