Dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa gaaray heshiis hor dhac ah oo lagu yareenayo qalalaasaha dalka Afghanistan mudo todobo maalin ah.

Tan oo ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday wadada dheer ee lagu raadinayo nabada Afghanistan ayaa waxaa ku dhawaaqay xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo.

Haddii lagu guulaysto in labada dhinac ay dhaqan galiyaan heshiiskan hor dhaca ah ayaa waxaa uu wadada u xaarayaa dadaalada lagu doonayo in lagusoo afjaro colaadii 20’kii sano ee lasoo dhaafay ka taagneed dalka Afghanistan. Heshiiskan hor dhaca ah ayaana ka bilaabanaya maalinta sabtiga ah.

Isagoona kusoo beegmaya in kabadan hal sano oo ay wadahalo u soconayaan ergooyin ka socda kooxda Taliban iyo dowladda Mareykanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kal soco Halgan Media.