Wasiirka Macdaanta iyo Khayraadka ee Dowlada Federalka Itoobiya Samuel Urkato ayaa sheegay inuu gabo gabo maraayo heshiishka ku aadan in la dhiso Tuuba isku xidho gobolada Shidaalka leh ee Ogadeniya iyo dalka Jabuuti sida uu sheegay wargeyska Addis Standard.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska ay barlamaanka Itoobiya ansixiyeen asbuucii hore In la dhiso tubba isku xidha Ogadeniya Iyo Jabuuti oo yahaay mid la hirgili doono sida uu warka u dhigay wargeyska Addis Standard.

Wuxuuna wasiir Samuel Urkato sii sheegay inay dalka Jabuuti barlamaankooda heshiishka ansixyeen sanaadkii hore markii uu barlaamanka Jabuuti ansixyeen miisaaniyadda 2019.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay inuu shirkadda Poly-GCL oo laga leyahay dalka Shiinaha (China) uu yahay kuwa dhisi doona tubbooyin garaaya 767 KM oo isku xidhi doonto Ogadeniya Iyo Jabuuti.

Ugu dambeyntii wasaaradda macdanta iyo khayrqadka ee Dowladda Federalka Itoobiya ayaa sheegtay inuu sanad walba usoo gali doono hal bilyaan (billion) oo dollar ah.

Lakiin su’aasha waxay tahay maamulka Deegaanka oo uu hogaaminayo Mustafe Cagjar maxay ka ogyihiin heshiishkan iyo muxuu yahay sababta looga qariyay shacabka Soomaaliyeed ?

Dib ayuu shabakada Halgan Media idinkula wadaagi doonaa xaqiiqda ku saabsan heshiishkaas xaaraanta ah ee Dowladda Itoobiya saxiixeen hadi ilaah idmo.

Shabakada Halgan Media