Wararka nagasoo gadhaya dalka Soomaaliya gar ahaan gobolka Bay ayaa sheegay in weerar lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo dulaan ku joogo Koonfurta Soomaaliya.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu qarax xoogan ka dhacay saldhiig ciidan ee Militariga Itoobiya ku leyihiin degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kadibna dagaalyahan ka tirsan Maleeyshiyaadka Al Shabaab ayaa dagaal toos ku qadeen saldhiga ciidamada Itoobiya, islamarkii dagaal fool ka fool ka qarxay labada dhinac.

Ugu yaraan hal Askari Itoobiyan ayaa ku dhintaay dagaalka iy tira badaan ayaa ku dhawaacmay weerarka siidi ay xaqijiyeen ilo wareedyo kusugan degaanka oo dagaalka ka dhacay.

Dowlada Itoobiya weli kama hadlin weerarka lagu qaaday ciidamadooda. Dalka Soomaaliya waxaa joogo ugu yaraan 30,000 ciidamado Itoobiyan oo dulaan ku joogo gobolada dalka gar ahaan gobolka Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan, iyo Galgaduud ee sii Xog ku joogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.