Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqen maanta ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

ilo wareedyo dadka degaanka ah ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday dhul ay deganyihiin dad xoola dhaqato ah, sidoo kale weli ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed.

Muddooyinkii dambe diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa sare u qaaday duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ka fulinayaan gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeymahaan oo kasoo baxay masuuliyiinta gobolkaasi oo hoostaga maamulka Jubbaland.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.