Hatana ay bilaabeen biyayntiisa dhaamkan oo wajib ay tahay in looga faa’iideyo khayraadkiisa muwaadiniinta reer itooboya kuna filaan kara inay si dhamaystiran u gaadho kana haqab beelan bahida laydhka dalalka geeska africa sida Sudan, Eritrea, Somalia, Djibouti iyo Kenya waa sidu hadalka u dhigay ku xigeenka taliyaha ciidanka Itoobiya Atto Burhanu.

Dhaamka oo socday mudo dhan 9 sano ayaa waxaa ku baxday aduun lacageed oo dhan 6 billion oo birr oo u badan ka qayb galka deeqaha muwaadiniinta Itoobiya walow ay jiraan xooga deeq ah oo ka soo gaadhay Bangiga Aduunka iyo he’yadaha deeqa bixi yaasha ah halka lacagta inta badan ay bixiyeen deeqo laga soo aruiriyay deeganada Itoobiya kuwaas oo ku tabarucaaday.

Waxa kale oo u sheegay in Masar iyo calaam kuba ay yaqaanaan tariikhda dagaal ee Itoobiya hadalkan oo aad oga badalan todobaadkii laa soo dhaafay mar u raysal wasare Abiye ka soo hor jeediyay khudbad golaha wakiilada shacabka ee barlamaanka Itoobiya.

Mar u ka hadalayay arimha dhaamka iyo khilaafka kala dhaxeeya Masar ayuu yidhi Abiye waxaan ku dhamayn doona arimha diblamasiyadeed si kasta oo xaladu u adkaato hadalka oo cadaynaya inaan Itoobiya dagaal toos ah lagalayn dalka Masar.

Dhanka kale arbacadii kulan ay yesheen sarakiisha ciidanka Masar waxa ay sheegeen in u u egyahay dhaamka Itoobiya mid ku bixi doona gamcaha ciidanka Masar ayna surto gal tahay inay Diyaaradaha dagaalka Masar ee sida bilaa naxariista ah wax u burburiya banbanooyinka ku rakiban ay sida roobka ugu soo daadin doonaan dhaamka gabi ahaantiisana dhulka ku dari doonaan.

Wabiga nile waxay aaminsantahay waa siday hadalka u dhigeen sarakiishu in ay ku xidhanrahay nafta iyo nolosha dadka masar halka itoobiya aaminsantahay in wabiga biyiihu ka qulqulaan ka soo baxaan buralada itoobiya ee deegaanka oromia iyo amara 100%60 biyaha nile itoobiya leedahay biyaha nile badankodu waxay ka soo dareeran ka soo dhacaan buurta caanka ah ee itoobiya ugu dheer (samin montian) ee ku taal deegaanka amara.

Wajib naa tahay in ay ka faa’iidaystaan isticmaalka khayraadkiisa aysan cidkale gorgortan kala galayn halka guud ahaan dalka masar biyaha ay helaan cabitaan iyo waraabka beeraha ay tahay oo kali ah wabiga nile hadii ay yaradan ama lawaayana dalka masar laga guuri doono isuna rogi doono saxaro.

Hadaba khilaafkan ayaa waxa ka dhashay is hubayn labada dhinac masar oo soo ibsatay say ilo wareedyo madax banaan sheegayaan diyaaradaha casriga ah ee rushka sukhio-35 oo ah kuwa aysan u taag heli karin radalada ama gantalaha difaaca ee itoobiya haysato xaabna ka soo qadi karin.

Halka itoobiya soo ibsatay radeelka ay ku rakiban yihiin gantalaha dheereya ee ( bansir) ay farsamaysana dalka faransiisku is hubaynta labada dhinac ayaa ka dhalan karta iska hor imaad toos ah walow lagu rajo waynyahay in khilaafkan lagu dhameeyo dib lamsiyada siyaasadeed.

Halgan Media.