Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa dilal qorshaysan ka fuliyay degaanka Buraya oo katirsan ismamuulka Oromada.

Waxaa goob Maqaaxi ah lagu dilay Solomon Tadesse oo ah Masuulka Sare oo u qabilsan Booliska ee degmada Buraya siida ay sheegtay idacaada VOA laanteeda afka Axmaraada.

Waxaana isla weerarkaan ku dhaawacmay Tesfaye Dinku oo ah Sarkaal sare oo u qabilsan ciidamada Gaarka ee ismamuulka Oromada oo ka howl gallo degaanada ku hareeraysan caasimada Addis Ababa.

Tesfaye Dinku waxaana hada lagu daa waynayaa isbital ku yallo degmada Buraya siidi ay wararka u dhigeen idacaada VOA ee laanta Axmaarada.

Idacaada VOA ayaa sii sheegtay in kooxda oo rasaasta ku riday Solomon Tadesse iyo Tesfaye Dinku ee islamarkii goobta ka baxsadeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.