Wararka ka imaanaya gobolka Wollega ee ismamuulka Oromada ayaa sheegaya in halkaasi la soo dhigay meydadka illaa 4 ruux oo shalay laga qafaashay deegaanka Nejo oo ka tirsan degankaasi siida ay sheegan idacaada BBC ee laanta Axmaraada.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in qaarkood ay ka shaqeynayeen xarun dowladeed, halka qaar kalena oo daganaayeen degmada Nejo, balse la watay xili ay maleeyshiyaad hubeysan dhaq dhaqaaqyo ka waden degmada Nejo siida ay hadalka u dhigeen idacaada BBC ee laanta Axmaraada.

Ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Ismaamulka Oromada oo ku aadan dhacdadaasi.

Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka ku nool deegaankaasi oo haatan ay soo wajahday cabsi iyo walaac xoogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.