Saraakiil katirsan militariga Soomaaliya ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ciidamo tira badan kana tirsan Guutada 9aad ee ka howlgasho gobolka Bakool ay gadood ka samayen gudaha magalaada Xudur ee xaruunta gobolkaasi.

Gadoodka ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markii guddomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Iyo taliyaha guutada 9aad ay 15,000 (shan Iyo taban kuun) dollar oo laluush ah ay u warejiyeen Taliyaha ciidamada lugta ee xogga dalka Jeneral Cabaas Amiin Cali sida ay sheegan ilo lagu kalson yahay.

Ciidamada guutada 9aad oo mudda dheer oo aana musharkooda helin iyo daryeel xumo badana heysato ayaa islamarkii abureen buuq kadibna markii ay ka war heleen in taliyaha ciidamada lugta loo warejiyay 15,000 dollar si laluush ahaan ah, kadibna ay sameyeen gadood ciidan.

Waa markii labad ay ciidamada ku sugan magalaada Xudur ay gadoodeen asbucaan gudihiisa Waxaana u dambeysay 24ka August. (Halkan riix si aad u akhrisatid)

Dhinaca kale, ciidamada dowlada ayaa gadood kale maanta ka sameeyay degmada Wajid ee gobolka Bakool iyaga oo xidhay wadada dheer ee hor marto xafiska Hormud, waxaana islamarkii qar kamid ah Askarta bilabeen inay xafiska Hormud horteeda rasaas ka ridaan sida ay goobjoogayaal u xaqijiyeen Halgan Media.

Halgan Media.