Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaana degmada Cadayti ee katirsan gobolka Shiniile ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Canfaarta oo la safaan ay wiil Dhalinyaro ku xidh xidheen degmada Cadayti.

Wiilka la xidhay magaciis wuxuu yahay Cismaan Mire. Xadhiga loo geystaay Cismaan Mire wuxuu yimiid kadib markii ay maleeyshiyaadka Canfaarta bilabeen inay dagaal kula kacaan Shacabka Somalida kudhaqaan xaduudka udheexeyo Ogadenia Iyo Ismaamulka Canfaarta.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya waxay wadaan wakhtiyadii ugu danbaysay dil, xadhig, dhac iyo kufsi ay ku hayaan dad shacabka ah ee aan is difaaci karin.

Waxaan dib idiin ka soo gudbin doonaa wixii kasoo kordha hadii eebe raali ka noqdo.

Halgan Media.