Askari ka tirsan ciidamada Ismaamulka Tigreega ayaa Qof shacab ahaa ku dilay magalaada Maqaale ee Xaruunta ismamuulka Tigreega siida ay sheegan idacaada BBC ee laanta Axmaraada.
Shaksiga la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa shaqaala, islamarkaana la sheegay in ay lacag ku murmeen Askariga, taas oo keentay in rasaas uu madax kaga dhufto siida ay hadalka u dhigeen idacaada BBC ee laanta Axmaraada.
Ciidamo ka tirsan kuwa ismamuulka Tigreega ayaa la sheegay in ay goobta gaareen, kuwaas oo gacanta ku dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaasi.
Mana jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay Saraakiisha Laamaha Ammaanku ka bixiyeen dilkaasi.
Dilkan ayaa qeyb ka noqonay dilal horay ciidamo ka tirsan kuwa ismamuulka Tigreega ay dad shacab ahaa ugu geysteen magaalada Maqaale.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.