Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gimbi katirsan Gobolka Oromada ayaa sheegaya in ay xiisad xun kataagantahay magaalada kadib markii maanta ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ay Kudileen labo wiil oo dhalinyaro ah.

Siidi ay sheegtay idacaada VOA qeybta Oromada ugu yaraan laba qof ayaa la dilay maanta markii ay ciidamada Itoobiya rasaas kufureen dad shacab oo waxba galabsaniin.

Dadwaynaha kudhaqan magaalada Gimbi iyo nawaaxigeeda ayaa siwayn ugu soo hor jeeden wiilasha lalayaay.Dhinaca kale ciidamo aad ubadan oo kuwa federalka ah ayaa lasoodhoobay xaafadaha magaalada kuwaas oo sida lasheegay inay ka hor imadaan shacbka hadi ay kacdoon ama isku dhacyo ka qaraxda magalaada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.