Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya gaar ahaan galbeedka Oromia ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dad shacab ku xasuuqeen degmada Dembi Dollo oo katirsan gobolka Wollega siida ay sheegan idacaada DW ee laanta Axmaraada.

Sida ay wararka u dhigeen idacaada DW ee laanta Axmaraada, ciidamada Itoobiya ayaa howlgallo ka waday degmada Dembi Dollo ee gobolkaasi Wollega oo ka dhan ah Jabhadda OLA, kadibna degmada Dembi Dollo ay ku Xasuuqeen 7 qof oo aan waxba galabsan.

bilooyinkii u dambeysay ayaa ciidamada Itoobiya dagaal kula jireen Jabhadda OLA, wuxuuna dagaalkaas sababay khasaaro badan oo loo geystay dadka rayidka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Ismaamulka Oromada oo ku aadan weerarkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.