Wararka naga soo gaadhaya dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto ayaa tibaaxaya in Booliska magaalada Toronto ay raadinayan nin wajiga soo duubtay oon haybtiisa lagaranaynin kaas oo habeenkii Jimcada ahayd ee lasoo dhaafay toogasho ku dilay muwaadiin Soomaaliyeed.

Booliska Toronto ayaa intaas ku daraya in ninkan la raadinayo uu sidoo kale dhaawacay ruux kale oo la socday marxuumka la dilay.

Waxaa intii mudo ah kusoo badanayay dilalka iyo weeraro dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo ka dhacay meelo kamid ah dalka Canada. Dhalinyarada Soomaalida ee ku dhalatay ama ku barbaartay wadamada Qurbaha ayaa qayb wayn ka qaatay fal-dambiyeedyo badan oo ka dhacay qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga America.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.