Wararka laga helayo Bartaamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidami Itoobiyaan ah ay ka soo gudbeen Xadka Somali Galbeed (Ogadeni) iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka tirsan Gobolkaasi Hiraan.

Dadka deegaanka ayaa Halgan Media u sheegay in ciidamada Itoobiya ayaa la arkay gobolka Hiraan, islamarkaana ay isku balaariyeen Qayba ka mid ah Gobolkaasi, ayaga oo u socdo dhanka bariga ee gobolka Galgaduud.

Lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya dhaq dhaqaaqyadan Ciidamada Itoobiya ay ka bilaabeen Gobolka Hiraan.

Ma jiro weli wax hadal aha oo ka soo baxay Dowlada Soomaalitq oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Gobolka Hiraan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.