Dowlada Sri lanka ayaa bandow habeenkii soconaya kusoo rogtay guud ahaan gobalada dalkaasi kadib markii ay sii bateen weerarada loo geysanayo Masaajidada iyo goobaha ay ku nool yihiin muslimiinta laga badan yahay ee jasiiradaasi.

Isniintii ayaa weeraro ka dhacay dalkaasi lagu dilay ugu yaraan hal qof oo muslim ah, waana dhimashadii ugu horeysay ee xiisadan kasoo cusboonaatay dalkaasi kadib weerarkii bishii hore lala beegsaday kaniisadaha wadankaasi.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey kooxo rabshado ka dhigayey degmooyinka Puttalam, Kurunegala iyo Gamphala oo ku dhaw caasimada Colombo ay weeraro ku qaadeen masaajidada iyo goobaha ganacsiga ay leeyihiin dadka muslimiinta ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.