Wararka ka imaanaya gudaha Itoobiya ayaa ku waramaya in ay Ciidamada Militariga Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Oromada dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan deegaano hoostaga gobolkaasi gar ahaan degmada Burayu.

Wariye madax banaan oo ku sugan ismamuilka Oromada ayaa Halgan Media uga warramay dhaq dhaqaaqyadaasi.

Sidoo kale Waxaa saacadihii la soo la soo dhaafay la arkay diyaarado Helikobter jawi hoose ku socda oo dul heehaabaya degmada Burayu, kuwaas oo la sheegay in ay leeyihiin Dowlada Itoobiya.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay ay Kooxo hubeysan weerar ka fuliyen degmada Burayu ee ismamuulka Oromada markii Bam Gacmed lagu tuuro xero ciidan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.