Warar naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidanka Daraawishta ee Mamuulka KGS ay xalay dhac u geysteen dadka ku dhaqan degmada.

Mid ka mid ah shacabka ku nool degmada ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamda KGS ay halkaasi ka geystaan dhac iyo boob aan loomeel dayan taasoo ey caado ka dhigteen ciidamada KGS.

Ciidamada Daraawishta, waxay dadka ka qaateen labo (2) baabuur xamuul ah, waxana laga sii dhacay 4,400 Shilinka Somali ah, sida ay Halgan Media u sheegeen dadka deegaanka.

Amaan darrada ka jirta Degmada Buurhakaba ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, ayadoona ay isku mid noqdeen habeenkii iyo maalintii oo dadka si isku mid ah loo furanayo.

Halgan Media.