Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in saakay dha dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan gobolka Hiraan ee Bartamaaha Soomaaliya.
Waxaana wararka laga helayo Gobolka ay sheegayaan in fariisin cusub Ciidamada Itoobiya ay ka sameysteen magalaada Beledweyne ee xaruunta Gobolkaasi.
Lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya dhaq dhaqaaqyadan Ciidamada Itoobiya ay ka bilaabeen gobolka Hiraan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.