Wararka naga soo gadhaay Koonfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Bay ayaa sheegaya inay ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magalaada Baydhabo ee Xaruunta gobolkaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media ayaa sheegaya inay ciidamada itoobiya dhaq dhaqaaqyo ka sameeyen magalaada Baydhabo, kadibna farisin cusub ka sameeysten duleedka Magalaada.

Dhaq dhaqaaqyadan ayaa imaanaayo 24 sac kadib markii ay ciidamada itoobiya lagu weeraray jidka isku xidha degaanka Burhakaba Iyo magalaada Baydhabo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.