Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dembi Dollo oo ka tirsan gobolka Wollega ee ismamuulka Oromada ayaa sheegaya in ay ciidamada Itoobiya isku laayeen shalay oo Jumce ahayd iyagoo sida lasheegayo ukala baxay qomiyad.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamo aad ubadan oo taliska Abiy Ahmed uu isugu geeyay magaalada Dembi Dollo ee dhacda galbeedka Oromia, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay kajirtay xiisad xoog badan.

Ciidamada federalka Itoobiya ayaa halkaas lagu uruuriyay kadib markay dadka deegaanku qabsadeen gabi ahaanba xarumaha Dowlada ee magaalada Dembi Dollo, isla markaana ay kasiidaayeen maxaabiis aad ubadan oo kujirtay jeelasha magaalada.

Taliska Abiy Ahmed oo arintaas kajawaab celinayay ayaa ciidamo aad ubadan geeyay deegaanka waxayna ciidamadu sameeyeen tacadiyo aad ubadan oo dil, dhac, xidhay iyo kufsi isugu jira, waxaana ugu dambaystii lasoo tabinayaa in ay ciidamadii Itoobiya oo kasoo jeedo qomiyada Oromada ee meesha lageeyay islaayeen isla markaana ukala jabeen qabiil qabiil.

Khasaaraha dhabta ah ee sookala gaadhay ciidamada Itoobiya iyo guud ahaan xiisada deegaanka Dembi Dollo kala soco Halgan Media hadii Alle idmo.