Sida lawada ogyahay mudooyinkii dambe waxa dalka itoobiya kasoconayay kacdoono lagaga soo horjeedo xukuumada Abiy Ahmed, waxeyna intooda badan kadhacayeen deeganada ismaamulka Oromada, taas oo sababtay in ciidamada dowlada ay tacadiyo baahsan u geystaan dadka rayidka ah.

Waxana sido kale jiro dad rayid ah oo loo xir xiray mudaaharadyadii dhacayay oo intooda badan aysan waxba galabsan. Hey’addaha udooda xuquuqda aadanaha ee loo yaqaano Ethiopian Human Right Commision (EHRC) ayaa sheegay in ay ciidamada dowlada kufsi u geysteen wiilal dhalinyaro ah oo kuxidhan gobolka Guji ee ismaamulka Oromada.

Wiilasha la kufsaday ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin 5 ruux da’dooduna udhaxeyso 14 jir ilaa 17 jir, waxeyna magacyadooda kala yihiin Ali Korjo Saqo, Malkamu Wadhibo Abbatari, Tulisho Wadhibo Abbatari, Gamachu Turi Bakalcha iyo Awal Gobana Guduba.

Xukuumada Aby Ahmed ayaa marar badan lagu eedeyay tacadiyo kadhanka ah bini’aadanimada, iyadoo aad loga naxay kufsigii loo geystay wiilashii yaryaraa ee kujiray xabsiga.

Halgan Media.