Wararka naga soo garaay gobolka Fafaan ayaa sheegaya in Laba ruux ka shaqaynaysay Xafiska canshuuraha heer Federal qaybteeda jigjiga ayaa xabsiga ladhigay.

Waxaa xabsiga loo taxaabay Mahamed Ahmed iyo Cabduwahab Cabdullahi oo kashaqaynayay koomishka jibriyada laantiisa Jigjiga.

Labadan nin oo intaan la xirin, maalin kohor xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya usoo diray warqad amaana ayaa hadana habeen kadib laxidhay waana arinka ilaa hada ay dadku is waydinayaan.

Labadan nin ayaa 3 habeen kuxidhan xabsiga ee magalada Jigjiga, lamana garanayo sabab loo haysto markii laga reebo inuu jiro tuhun musuq maasuq oo ay dawlada itobiya Ku eedaysay.

Taliska Mustafa Cagjar ayaan ilaa hada kahadal Xadhiga labadan nin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.