Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ee Xarunta gobolka Qoraxey ayaa sheegaya in ciidamo badan oo katirsan militariga Itoobiya lagu soo daadiyay magalaada.
Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya lagu arkay xaafado katirsan magaalada iyo jidadka muhiimka, sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan xaafado ayna degan yihiin Shisheeyaha gaar ahaan qomiyadda Amxaarada.
Dhaq dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ayaa imaanaya xili ay qoomiyadda Amxaarada ee u dabaal degayaan ciidooda.
Xaruunta gobolka Qoraxey ee Qabridahare waxaa 10kii sano ee u dambeysay lagu beeraayey dad Ajanabi ah oo kasoo jeeda qoomiyadda amxaarada ayna ilaaliyaan ciidamada Itoobiya, waxayna la mid tahay xerada Xalane ee ku taallo magalaada Muqdisho ee Shisheeyaha degan yihiin.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.