Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar loo geystay ciidamada itoobiya oo joogo dalka Koonfur Sudan oo katirsan Howlgalka Qaramada Midoobe.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in toogasho ay ku dileen Askari katirsan ciidamada Itoobiya, xilli uu ku sugnaa degmada Amiet oo ku yallo xadka Koonfur Sudan iyo Jamhuuriyada Sudan siidi ay sheegan Wakalada Reuters.
Sidoo kale rasaasta ay fureen raggaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen illaa 6 Qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay.
Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda. Lama oga sababta dhabta ah ee loo beegsaday Askarigaasi, balse dilkiisa ayaa qeyb ka noqonaya falal amni darii ee mararka qaar ka dhaca xadka u dhaxeeyo Jamhuuriyada Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.