Wararka laga helayo Gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay Al Shabaab weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee Gobolkaasi.

Waxaana lagu soo warramyaa in dhankooda Ciidamada Itoobiya ay ku jawaabeen Madaafiic.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bay oo ku aadan weerarkaasi.

Balse dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee Gobolkaasi Bay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.