Wararka laga helayo Koomfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya qarax xoogan lagula eegtay gobolkaasi.

Qaraxa oo Miino ahaa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen wadaada u dhaxaysa tuulada Burhakaba iyo magalaada Baydhabo ee gobalkaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ugu yaraan 3 Askari ku dhintay Qaraxa. Ciidna weli maa sheegin masuuliyada weerarkan.

Inta badan ururka Al -Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada ciidamada Shisheeyaha ee ka howlgalla Koonfurta iyo bartamaaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.