Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo maanta Ciidamada Itoobiya lagula eegtay gobolka Hiraan ee Bartamaaha Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka aaso ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi.

Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahisay in waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiyeen ku dhawaad 2 Askari, sida ay hadalka u dhigeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiraan oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan qaraxaasi.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada Shisheeyaha oo Dulaan ku joogo Koonfurta iyo Bartamaaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.