Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka aaso ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhaxeeyso magalaada Baydhabo iyo degmada Bardhaale ee gobolkaasi.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahisay in waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiyeen ku dhawaad 10 Askari, sida ay hadalka u dhigeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bay oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan qaraxaasi. Inta badan ururka Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada Shisheeyaha oo Dulaan Ku joogo Jamhuuriyada Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.