Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Barqanimadii maanta Ciidamada Itoobiya lagula eegtay inta u dhaxeeyso magalaada Baydhabo iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan  ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Ciidamada Itoobiya. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Itoobiya ka soo gaaray qaraxaasi.

Balse Al Shabaab oo sheegtay qaraxan ayaa baraha Internet-ka ku baahiyay in halkaasi ay ku gubeen Gaari nuuca dagaalka ah, sidoo kalena khasaaro lixaad leh ay gaarsiyeen Ciidankaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.