Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan saaka aroortii hore lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Ceelbarde oo qiyaastii 20 Km ujira xaduudka beenadka u dhaxayso Jamhuuriyaada Soomaaliya iyo Somali Galbeed (Ogadeniya).

Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah, kaasi oo gabi ahaanba goobta ku Gubtay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac qaraxa uu ka soo gaaray Ciidamadii saarnaa gaarigaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.