Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo galaabta Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka aaso ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen duleedka degmada Luuq ee gobolkaasi.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahisay shabakada ay leyihiin loo yaqaano Somali Memo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada Shisheeyaha oo kusugaan Koonfurta iyo Bartaamaha Soomaaliya.