Wararka laga helayo degmada Halgan ee Gobolka Hiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Xalay ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo dagaalyahan hubaysan katirsan ururka AL Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weerareen Saldhig ay Ciidamada Itoobiya deegaankaasi ku leeyihiin,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo socday.

ilo’ xog-ogaal ah u oo La hadlay Halgan Media, ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo Xalay ku dagaalamay degmada Halgan oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobolka Hiraan ee Koonfurta Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Wararkii ugu dambe ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee Gobolka Hiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Gumaysiga Itoobiya  ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Ugu yaraan 30,000 Ciidamo Itoobiyan ayaa Dulaan Ku joogo Soomaaliya, waxaayna u badan yihiin Goballada Koonfurta. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.