Wararka naga soo garaay koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay xalay weere ku qadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya kusugaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in lagu qaaday saldhigyo Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ilo degaank ah ayaa Halgan Media sheegay dagaalka kadib in Ciidamada Itoobiya ay madaafic ku garaaceen tulooyinka ku hareeraysan degmada Baardheere.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoc Hlagan Media.