Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Militariga Itoobiya oo maanta ka dhacay magalaada Addis Ababa ee xaruunta dalka Itoobiya.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho ah iyadoo la sheegay in  Labo askari ay ku dhinteen dagaalkaasi siidi ay sheegen wakalada Reuters.

Waxaana dagaalkan uu yimid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Ciidamada, balse xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana goobta gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlada Federalka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.