Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa xalay fashiliyay Qarax miino oo lagu aasay xaafad ka tirsan Boosaaso, sida ay shaaciyeen Booliiska.

Laamaha kala duwan ee Amniga Boosaaso, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay halka lagu aasay Qaraxaas, ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan ,ka hor inta aysan cid dhibaato ka soo gaarin.

Sidoo kale, Laamaha Amniga Boosaaso, waxayHawlgalkaas ku qabteen Rasaas iyo walxaha Qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo ku diyaarsanaa xaafado ka tirsan Boosaaso, si weerarro Argagixiso loogu fuliyo.

Hawlgalka kadib, Ciidamadu waxay soo bandhigeen Rasaastii iyo Qaraxyadii ay qabteen, waxaana ay u mahadceliyeen Shacabka oo sida ay sheegeen kala shaqeeya Sugidda Amniga magaalada.

Halgan Media.