Warar hor dhac naga soo gaaray magalaada Muqdisho ayaa sheegaya Gaari Gaashaman oo ay wateen Ciidamada Shisheeyaha ee loo yaqaan AMISOM ayaa dul maray wiil Soomaaliyeed oo Ku shaqeysanayey Mooto Bajaaj.

Falka fowsha xun ayaa la sheegay inuu gor dhow ka dhacay wadada Isbitaalka digfeer sida ay Halgan Media u sheegan dad goobjoogyal ah.

Waxaana la sheegay in wadaha mooto Bajaajka uu islamarkiiba ku dhintay goobta. Mamuulka gobolka Banaadir weli kama hadlin tacadiyada ay geysten AMISOM.

Ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM ayaa mar walba dilal u geysta dadka Shacabka ah oo aan waxba galabsan, mana jirto ciid ka hadasha.

Halgan Media.

Email : info@halganmedia.net