Kooxda TPLF ayaa maanta ku dhawaaqday go’aano culus oo ka dhan ah xukuumada Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed sida ay kuso qooren bogooda rasmiga ah ee Facebook-ka.

Taliska TPLF oo xukunka laga riday biloowgii 2018 ayaa sheegay inay isku diyarinayaan sidii doorasho looga qaban lahaa deegaanadooda, iyo sidii ay Ismaamulka Tigreega ay isu maamuli lahaayeen maamul ka madax banaan dowlada federalka sida ay qoraalka u dhigeen.

Dhinaca kale Woyaanaha (Tigreega) waxaay sii sheegen inay isku diyaarinayaan la’caala uu dalka galaay qal qal siyasaaded hadi wakhti ku haboon la qabaanin doorashada dalka.

Hadalkan kasoo baxay Tigreega ayaa cabsi iyo wel wel weyn geliysay xukuumada Abiy Ahmed. Hada waxaa cadaatay inay Tigreega diyaar u yihiin inay iska caabiyaan cid walba oo hor timaada hadii uu dalka ka qarxo dagaal sokeeye, iyo in ay ka go’aan Itoobiya u dambeyay

Hoos ka arag qooralka kasoo baxay Woyaanaha