Wararka nagaa soo gadhaaya dalka Mareykanka gar ahaan gobolka Washington ayaa sheegaya in magalaada Seattle ee cudurka Coronavirus ugu geeriyootay saddex qof oo Soomaali ah oo laba ka mid ah dumar yihiin.

Saddexda qof ee dhimatay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen hooyo iyo gabar ay dhashay iyo qofka saddexaad oo ahaa nin, kuwasaso dhamaantood hal xaafad dagganaa.

Farxiyo Yuusuf Maxamed oo madax ka ah hay’adda Somali Family Safety Task Force ee magaalada Seattle ayaa warbaahinta VOA-da uu sheegtay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo xakamayn lahaa xanuunka Covid-19.

Farxiya ayaa sheegtay in Soomaali badan ay qaadeen xanuunka hayeeshee dhimashadu hada ay yartay, marka laga reebo saddexda qof ee u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Waxa ay intaasi ku dartay in ay jiraan Soomaali badan oo xanuunka qaaday isla markaana xaaladooda Caafimaad lagula tacaalaya isbitaalada magaalada Seattle, halka kuwa kalana lagu karaantiilay xaafadaha.

Farxiyo Yuusuf Maxamed oo madax ka ah hay’adda Somali Family Safety Task Force ee magaalada Seattle ayaa sheegtay in caqabada ay qayb tahay in Soomaalidu qarsanayaan cudurka isla markaana guryahooda joogayaan iyaga oo qaba cudurka Covonavirus.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.