Ciidamo Shisheeye oo kaso jeedo dalka Uganda oo Dulaan ku joogo Soomaaliya ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee la soo dhafaay isku dileen xerada Xalane ay ku leeyihiin magalaada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada guud ee Askartaas is-toogtay, iyadoo wararka Loo-qaateenka ah muujinayso inay is-dileen 2 ilaa 4 Askar u dhalatay dalka Uganda.

Taliska Ciiddanka Ajanabiga oo dulaan ku joogo Soomaaliya ee La magacbaxday AMISOM  ayaa baaraya dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah Askartooda loo soo daad-gureeyey Soomaaliya uu toogasho ku dilay  Sarkaal ka tirsan Maamulkiisa, ka hor inta uusan Askariga is-dilin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.