Qoraal Gudoonka Aqalka sare uu u gudbiyay Madaxda Sare ee Dowladda iyo Taliyeyaasha AMISOM ayaa looga soo jawaabay,iyada oo la soo dhameystiray Ciidamada AMISOM ee sugi lahaa Amniga Xarunta Aqalka Sare.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in codsigii dalabka ahaa ee AMISOM laga aqbalay,isla markaana mudo kadib Ciidamada AMISOM ay la wareegi doonaan Amniga Xarunta aqalka Sare ee Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Gudoonka Golaha Aqalka Sare ku guuleystay qorsho lagu xaqiijinayo Amniga Xarunta iyo Sanoterada intaba,isla markaana si guud loo soo dhameystiray Ciidamada AMISOM.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.