Dr Siciid Aadan Cadde oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ayaa sheegay in “ciidammo Soomaali ah oo si gaar ah u tababaran ayaa soo galay beerta Aadan Cadde ee ku taalla nawaaxiga degmada Janaale laba habeen ka hor, goor habeen-bar ah”.

Wuxuu intaa ku daray in ciidankaas ay wararka ku soo gaareen in ay la socdeen laba dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka. Dr Siciid oo xilliga uu BBC la hadlayey ku sugnaa Muqdisho wuxuu kaloo intaa raaciyey in loo sheegay askartaas in guriga “uu yahay kii madaxweyne Aadan Cadde, balse ay xoog ku jabiyeen iyo seddex wiil oo halkaa joogay ay iyagana kaxaysteen.

Muqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya khasaaraha burburka leh ee soo gaaray dhismaha guriga ku dhex yaalla beerta Aadan Cadde ee uu ku noolaa madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, tan iyo markii uu siyaasadda ka fariistay. Beerta iyo gurigaba waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo Al Shabaab, waana markii ugu horraysay ee la weeraro guri uu leeyahay madaxweyne hore oo Soomaaliyeed.

Wuxuu Dr Siciid Aadan BBC u sheegay in qaybta la jabiyey ee guriga oo ah halkii uu ku noolaa allah u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde, aan la degganayn oo ay iska xirnayd, tan iyo markii uu dhintay marxuumku. Si kastaba Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarka lagu qaaday Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u Naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media