Wararka nagaa soo garaay gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahaano hubeysan katirsan Al Shabaab ku qadeen Kolonyo ee la socdeen ciidamada Itoobiya.

Siida aan xogta u helnay miino dhulka lagu aasay ayaa la kacay mid kamid Kolonyoda ay la socdeen ciidamada Itoobiya, kadibna waxaa jidka u galaay Maleeyshiyaadka Al Shabaab, wuxuuna dagaalka ka dhacay inta u dhaxeeyo Baydhabo iyo Bardaale.

Weli lama ogow khasaaraha rasmiga Lakiin ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay laba Askari Itoobiyan ku dileen weerarka siida ay kuso qooreen Barta Internet-ka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.