Wararka nagasoo gaadhaya galbeedka Itoobiya gaar ahaan gobolka Gambella ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Jabhada Gambella People Liberation Movement (GPLM) oo dib ugu labtay gudaha Itoobiya.

Jabhadda GPLM oo ah Jabhad udagaalanta Xoraynta gobolka Gambella ayaa heshiis lagashay taliska Itoobiya,waxaana maanta lagusoo dhaweeyay ismamulka Gambella, Wararka ayaana intaas kudaraya in ciidankan lagu dari doono ciidanka gaarka ah ee maamulka Gambella.

Dowlada Itoobiya ayaa wadahadal ugu baaqday Dhamaan jabhadihii dagaalka kulajiray taliska Itoobiya waxana horay Itoobiya usoo galay jabahadii oramada ee OLF iyo tii amxarada ginbod 7 iyo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (ONLF)

Hoos Ka Daawo Sawiirada

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.