Wararka laga helayo magaalada Hawassa ee xarunta Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ayaa ku warramaya in maanta lagu arkayo Ciidamo badan oo loo soo dhoobay gudaha magaaladaasi.

Ciidamadan oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa la sheegay in  lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaalada Hawassa.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dadka deegaanku ay bilabeen rabsho kadib markii Qomiyada Sidama ay Ku dhawaqeen mamuul gooni oo ka madaxbaan islamuulka Shucuubta Koonfureed.

Rabshadaan ayaa la sheegay in lagu gubay Guryo dhowr ah oo ay daganayeen dad shacab ah iyo inuu isku dhacyo dhex maray dadka degaanka iyo ciidamada Itoobiya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona ay ciidamada itoobiya dhaq dhaqaaqyo ka wadan magalaada Hawassa, si looga hortago xiisadaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.