Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa heshiis la gaaray boqolaal katirsan ciidanka Itoobiya kuwaa oo isugu soo baxay magaalada Addis Ababa gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Sida uu tabinayo Television-ka ETV askarta ayaa dalbanaya in loo kordhiyo Mushaarka, waxaana jira kulan ay wada qaateen Ra’iusl Wasaaraha Itoobiya iyo Askarta laakiin wali lama hayo faah-faahin ku saabsan dhaqan galka heshiisyada.

Xaaladda ayaa ah mid aan cago badan ku taagneen waxaana ciidamada lagu arkayaa tuulada Burayu halkaa oo xuduud la leh dhulka Oromada waxaana horay kaga dhacay rabshado uu dhiig badan ku daatay.

Internet-ka ayaa laga jaray guud ahaa dalka Itoobiya Saddex Saacadood ka har si looga hortago in warar laga faafiyo xaaladda cakiran ee Itoobiya ka taagan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.